Wafdigii dowlad goboleedka Galmudug uga qeyb galay shirkii Golaha Aminga ee Magaalada Baydhabo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug.
Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur, Cutubyo ka tirsan ciidamada, Masuuliyiin iyo qeybaha Bulshada ayaa halkaas ku soo dhaweeyey.
Madaxweyne Xaaf ayaa wajahaya Mucaarado xooggan oo kaga imaanaysa Qaar ka mid ah Madaxda Sare Galmudug, waxaana Magaalada Cadaado ku sugan xildhibaanada Galmudug oo gaaraya tiro ay kooram ku qabsan karaan, arintaas oo walaac badan ku abuurtay Madaxweyne Xaaf.
Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in Madaxweyne Xaaf uu hadda ka dabcay mowqifkiisii hore ee ahaa inuusan aqbalaynin dhexdhexaadnimada Dowladda Dhexe, waxaana shirar uu kula yeeshay Baydhabo Madaxda Dowladda Federaalka ku aqbalay in xaaladda la dajiyo, wada hadalna la isugu yimaado. inkastoo Madaxda Ahlu sunna ay ku adag tahay in lagu qanciyo in dib loogu laabto fulinta heshiiska Jabuuti.