Ciidamada dowladda Soomaliy iyo kuwa Amisom ayaa weerar ku qday deegano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan degaanka Bariira kadib dagaal halkasi ka dhacay.
Dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ciidamo Mareykan ah oo watay Diyaaradaha aan cidi wadin ee loo yaqano Drone-ka,waxana Ciidamada u suurta gashay in ay la wareegaan deegaano ay ka mid yihiin Bariire Baladul-Amiin, Farsoley, iyo deegano kale oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Weli lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas balse xooggiisa ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhaw deegaanka Janaale,balse intaasi kadib ay si buuxda ula wareegeen ciidamadu deegaanada Bariire,Baladul-Amiin, Farsoley, ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Xalada ayaa hatan ah mid degan,waxana qar kamid ah dadka deganka ay sheegayaan in Ciidmadii Al-Shabaab ay u dhaqaaqeen deegaanada kale ee Gobolka Shabeelaha hoose.