Madaxda Wadamada Soomaaliya Iyo Kenya Oo Kulan Gaar Ah Ku Yeeshay Nairobi

Wararka Maanta

Madaxweynayaasha Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa ka garab dhacay shirka looga hadlayo dhaqaalaha Badaha ee ka socda Nairobi.

Waxaa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal,iskaashiga dhinaca amaanka ah,dhaqaalaha iyo isdhexgalka Gobolka.

Soomaaliya waxaa ay bilihii dambe qeyb ka ahayd isbaheysiga is dhexgalka geeska Afrika oo ay ilaa hadda ku jiraan Dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Eritrea.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Isbaheysigan oo inta badan xoogga lagu saarayo isdhexgalka dhaqaalaha iyo Bulshooyinka ku biiraan Waddamada Jabuuti, Suudaan iyo Kenya.

Madaxweynaha Kenya ayaa bogaadiyay Isbaheysigan cusub,waxaa sidoo kale horay u bogaadiyay Madaxweynaha Dalka Uganda.