Madaxda Hirshabeelle oo fara gelin kusameyay is qab qabsi ka dhashay ergada doorashada Aqalka Hoose

Wararka Maanta

Madaxda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa soo fara geliyay is qab qabsi iyo muran ka dhashay doorashada Aqalka Hoose, kaasoo u dhaxeeyay beelaha qaar oo isku hayay ergada wax dooraneysa.

Khilaafka dhanka ergooyinka beelaha ayaa sabab u noqday inuu baaqdo doorashadii kuraasta Aqalka Hoose ee shalay ka dhici laheyd magaalada Jowhar.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa muranka iyo khilaafka ka dhashay ergooyinka darteed waxay dib u dhigeen doorashadii shalay dhici laheyd.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Kuxigeenkiisa Cali Guudlaawe ayaa tan iyo xalay ku howlanaa xalinta muranka ka dhashay diiwaan gelinta ergooyinka iyo qeybsiga beelaha.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxda Hirshabeelle ayaa sheegaya inay ku guuleysteen in la dhameeyo khilaafka iyo murankii taagnaa, iyagoo kala kulmay Musharaxiin isku hayay Ergooyinka.

Ergooyinka uu muranka ka dhashay ayaa waxaa ka mid ahaa Ergooyinka dooranaya kuraasta Beelaha Warsangeli Abgaal iyo Kabaale Wacbuudhan, kaasoo markii dambe la xaliyay.

Duhurnimada maanta ayaa lagu wadaa in dib loo ambaqaado doorashada Aqalka Hoose, iyadoo salaada jimcaha kaddib lagu tartami doono kuraasta illaa shan beelood.

Arbacadii la soo dhaafay ayay aheyd markii la qabtay wajiga koowaad ee doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabeelle, waxaana ku soo baxay illaa sideed xubnood oo ahaa siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay.

Comments are closed.