Maamulka Garbahaarey Oo Dhaliilay Hoggaanka Sare Ee Jubbaland (Dhageyso)

Wararka Maanta

Guddoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga Iyo Siyaasadda Degmada Garba-Haarey Ee Gobolka Gedo Aadan Siraad Max’ud Oo La Hadlay Ceelhuur.com Ayaa Waxa Uu Eedeyn Kulul Kala Dul-Dhacay Hoggaanka Sare Ee Jubbaland.

Ugu Horreyn Guddoomiye Ku Xigeenka Waxa Uu Ka Warbixiyey Banaanbax Dhawaan Ka Dhacay Degmada Garbahaarey Iyo Ujeedooyinka Ka Dambeeyey Dibad-Baxaasi.

Waxa Uu Xusay In Maaamulka Axmed Madoobe Uusan Waxba U Qaban Shacabka Ku Dhaqan Guud Ahaanba Gobolka Gedo Ee Koonfurta Dalka.

Tusaale Waxa Uu Usoo Qaatay Dhinacyada Amniga Iyo Arrimaha Bulshada Oo Uu Sheegay In Haba-yaraatee Uusan Waxba Ka Maqan Maamulka Jubbaland Muddadii Uu Xilka Hayey Axmed Madoobe.

Dhinaca Kale Guddoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga Iyo Siyaasadda Degmada Garbahaarey Aadan Siraad Max’ud Waxa Uu Sharci Darro Ku Tilmaamay Qaabkii Uu Axmed Madoobe Ku Yimid Kursi Uu Haatan Fadhiyo.

Waxa Uu Carrabka Ku Dhuftay In Uu Awood Ku Qabsaday Isla-markaana Aanay Jirin Cid Dooratay Shacabka Reer Jubbalana Aysan Raali Ka Aheyn Hoggaanka Axmed Madoobe Waa Sida Uu Hadalka U Dhigaye.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye Ku Xigeenka:-