Qaar kamid ah Qodobada Shirka Kismaayo oo laysku mari la yahay!

Wararka Maanta

Shirka Wadatashiga Maamula Goboleedyada oo markii ugu horaysay ay isku yimaadeen Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka ayaa wili kasocda Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ee Maamulka Jubbaland.Shirka oo la filayay in shalay la soo gabangabeeyo ayaa laga sheegay in uu dib u dhac ku yimid waxaana Saxaafada oo sugaysay War-murtiyeedka shirka loo shaeegay in maanta Galinka hore lasiin doono Qodobada lagu heshiiyo. waxaana la soo sheeegayaa in dib u dhacaaas uu yimid kadib markii Qodobada qaar laysku fahmi waayay shalay halka kuwo habeen hore xal laga gaarayna dib loogu laabtay ka dib markii Madaxda qaar dhaliilo ka keeneen.

Dowladda Soomaaliya oo Khilaaf uu ku kala dhax jiro ayada Maamulada ayaa shirka si dhow ula socota waxaana la helay codad sir ah oo ku saabsan wax yaabaha Shirka looga hadlay.Hadalka la helay ayaa dhex maray Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii Xasan Sh Maxamuud Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo Imaaraadka oo Xariir dhow la leh Maamulada Soomaaliya Wakiil uga shirka Kismaayo. Cumar ayaa la hadlayay qaar ka mid ah Madaxwaynayaasha Maamul Goboleedyada waxuuna talo buuxda ku leeyahay Qodobada saaran miiska Kismaayo. Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hor yimid Qodobada qaar ee uu  soo jiidiyay Mr Sharma’arke. Xaaf ayaana si cad ugu sheegay Madaxda Shirka ku wehlisa in aysan macquul ahayn hadalo qof kale ka yimid laga soo saaro Shirka Kismaayo islamarkaana taladu u taal oo kaliya shanta Hugaamiye.

Cumar Cabdirashiid iyo Madaxwaynayaasha Maamulada qaar ayaa soo jeediyay in Dowladda Faderaalka Xariirka loo jaro waxaay kaloo ku talinayaan in Saldhiga Turkiga ee Muqdisho Faragalin lagu sameeyoo oo laga soo horjeesto islamarkaana Arimaha Gaashaadhiga lagu qabsado Dowladda dhexe. Arintaan waxaa Gadaal ka riixaysa Dowladda Imaaraadka oo dagaaal siyaasadeed kala dhaxeeyo Turkiga waxayna ka faa’iidaysanaysaa Khilaafka DFS iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Madaxwaynayaasha Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa aaminsan in aan la faragalin Arimaha Gaashaandhiga waxayna sheegeen ayadoo awal lagu haystay Faragalinta ay Dowladda kula sameeyeen arimaha Dibada in hadii ay markaana soo galaan Gaashaandhiga Shacaka Soomaaliyeed ka hor imaanayaan.

Qodobada wili laysku hayo waxaa ka mid ah  in la soo celiyo Madashii Wadatashiga Qaran ee Dowladdii Xassan Shiikh Maxamuud iyo in la sameeyo Madal ay ku midaysan yihii Dhamaan Maamulada oo ay Dowladda Soomaaliya kula baratamaan arimaha Masiiriga ah oo dhan Madaxda qaar ayaa qaba in Golahaas oo la sameeyo ay xasaasiyada jirta sii kicin karto waxayna ku talinayaan in la magacaabo Guddi Farsamo oo Xal u raadiya Khilaafka Dowladda iyo Maamulada. Shirka Kismaayo waa mid si wayn loo dhur sugayo waxa kasoo baxa waxaana laga cabsi qabaa qodobada qaar ee la shaacin doono in Dabka ka dhex shidan Dowladda Farmaajo iyo Maamulada ay Baashiin kusii shubaan.

Kala soco Ceelhuuronline wixii kasoo baxa Shirka Kismaayo Insha allah

W/D Ali Abdiwahab Aden