Wararkii ugu dambeeyey Xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug ayaa maraysa marxalad kala guur ah, muddo laba todobaad ah waxaa ku sugan deegaanada Galmudug Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Kheyre ayaa saldhigtay Dhuusamareeb, isagoo halkaas kawada ka gungaarista heshiis uu la galo Ahlu Sunna. Wasiirka Arimaha Gudaha Eng Sabriye iyo wasiiru Dowlaha Howlaha Guud Qoorqoor ayaa shalay aaday Muqdisho. Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa shalay aaday Turkiga, isagoo halkaas u aaday arimo qoys.

Dhanka kale Wasiirdu dowlahaha Difaaca iyo Taliyayaasha Ciidamada DFS ayaa maanta la wareegay ciidamo iyo gadiid dagaal degmada Balanbale, wafdigan ayaa maalmahan booqan doona magaalooyinka Cabudwaaq, Xeraale iyo Cadaado.

Sidoo kale wafdi Ganacsato ah ayaa la filayaa in ay beri gaaraan magaalada Dhuusamareeb, iyagoo ku imaanaya dalabka Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxgaradka Beesha Sacad oo Muqdisho ku shiray ayaa ku dhawaaqay in qeybaha Bulshada beesha Sacad ay shirweyne isugu yimaadaan magaalada Gaalkacyo 10 bishan Luulyo 2019. Sidoo kale waxay taageereen shirka Beesha Habargidir ee dhawaan ka furmaya magaalada Hobyo.

Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa jawigeeda siyaasadeed ayaa dagan, waxaana laga wardhowrayaa waxa ay la shir tagi doonto dowladda Dhexe.