Lorenzo Insigne Oo Aadi Kara Liverpool

Ciyaaraha

insigne-724034

 

Weeraryahanka kooxda Napoli Lorenzo Insigne ayaa lagu soo waramayaa inay u furantahay inuu ku biiro kooxda Liverpool, iyadoo wararka sheegaya in wadahadalo heshiis qandaraas cusub uu kula jiray kooxdiisa ay hakad galeen.

25-sano jirkaan ayaa mustaqbalkiisa ciyaareed oo dhan ku qaatay garoonka kooxda ka dhisan dalka Talyaaniga, isagoo u saftay kooxda koowaad sanadii 2009.

Waxaa jira shaki mustaqbalkiisa mudada dheer ee weerarka ah oo naadiga, in kastoo, ka dib markii taageerayaasha ku kaceen dib markii uu rigoore qasaariyay ciyaartii ka dhanka ahed Besiktas ee Champions League.

Sida laga soo xigtay Rai Sport, wakiilada Insigne ayaa isku dayaya in ay diyaarin wadahadalo Liverpool ku saabsan mustaqbalkiisa.

Napoli ayaa haatan ku jirta kaalinta lixaad ee kala sareynta Serie A.

W/D Hafsa Haaji