Laftagareen oo guddi u saaray Dadkii lagu dilay Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb

Wararka Maanta

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad goboledka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu Magacaabay guddi qiimeyn ku soo sameeya dhacdooyinkii  ka dhacay Magaalooyinka dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee lagu dilay dadkii Shacabka ahaa ee kasoo jeeday deegaanada Koonfur Galbeed.

Guddiga oo ka kooban 6 xubnood ayaa laga soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed,waxana ay bilaabi doonaan baaritaano ku aadan sababaha ka dambeeysay dilalkaas iyo cida dishay.

Waa guddigii labaad ee xaqiiqo radin ah oo loo magacabo sameeya dilalkii ka dhacay Magaaloyinka dhuusamareeb,waxaana xalay guddigan mid la mid ah Magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.