Labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowlada oo ku dhintey dagaalkii ka dhacay Ceelwaaq

Wararka Maanta

Labo sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada dowlada ayaa ku dhimatay dagaal gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Cornel Aadan Maxamed Waceys (Aadan Koronto) iyo sarkaal kale ayaa ku dhintey dagaalkan iyadoo saddex gaari oo tikniko ah ay ku qabsadeen dagaalyahanada ururka Alshabaab.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq Ibraahin Guuleed Aadan ayaa xaqiijiyay inay labada sarkaal ay ku dhinteen dagaalka balse dagaalyahanada ururka Alshabaab ayaa isaga baxeen degmada Ceelwaaq saaka waxaana dib haatan ugu laabtay ciidamada dowlada Soomaaliya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalyahanada ururka Alshabab ay ku dileen magaalada Ceelwaaq dad rayid ah. Bishii Janaayo ee sanadkan ayay aheyd markii weerar culus oo Al-Shabaab ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde kula wareegeen saanad milateri iyo gaadiid dagaal oo ay ku jiraan kuwa gaashaaman.

Comments are closed.