Al-Shabaab oo weerarkii Ceel Waaq u adeegsaday gaadiidkii ay ka qabsadeen Ciidamada Kenya

Wararka Maanta

Faah faahin ayaa ka soo baxaya weerar xoog leh oo shalay gelinkii dambe Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Milateriga Soomaaliya ku lahaayeen degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo, kuna dhow xuduuda Kenya.

Weerarkan oo ha mid xooggan ayaa Al-Shabaab ugu suura gashay inay qabsadaan Xerada ciidan, isla markaana gudaha u soo galaan degmada Ceel Waaq.

Col. Warfaa Sheekh Aadan oo ah Afhayeenka Ciidamada Milateriga oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in Al-Shabaab shalay gelinkii dambe weerar ku soo qaadeen saldhiga ciidamada, ayna la wareegeen saldhiga.

“Labo jeer ayaa la jabiyay marka saddexaad ayay la wareegeen saldhga, dib u gurasho ayaa sameynay, waxa na gaaray afar dhimasho iyo hal dhaawac”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo.

Mar la weydiiyay sababta Al-Shabaab ugu suura gashay in xerada ciidan oo gaadiid badan yaalay soo weeraraan ayuu sheegay in maalin jimco ah ay aheyd, isla markaana feejignaan badan jirin, isagoo xusay in baabuurtii Ciidamada Kenya looga qabsaday weerarkii Ceel Cadde ay adeegsadeen Al-Shabaab.

“Baabuurtii ay ku qoran tahay AMISOM Beebabayaashi wixii dhan ay ka qabsadeen Ciidamada Kenya ayay xerada ku soo weerareen, mana aanan fileyn, waxay isu ekeysiiyeen AMISOM”ayuu yiri Col. Warfaa Sheekh Aadan.

Waxaa uu sheegay inay ka yimaadeen wadada aada dhinaca Buusaar oo ah halka inta badan Ciidamada Kenya ay ka gudbaan gaadiidka raashinka u sida, isla markaana ay iyaga u qaateen inay yihiin baabuurtii raashinka u galbinayay Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Buusaar.

Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarkii Ceel Waaq, waxaana ay tilmaameen inay kula wareegeen saanad milateri, isla markaana khasaare ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda.

Xaalada Ceel waaq ayaa saaka degan, iyadoo la sheegay in Al-Shabaab isaga baxeen, waxaa saaka dib ugu laabtay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayay aheyd markii weerar culus oo Al-Shabaab ku qaadeen saldhig Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde kula wareegeen saanad milateri iyo gaadiid dagaal oo ay ku jiraan kuwa gaashaaman.