LABADII MURASHAX MIDKII LACAG LAHAA WEYN!!!

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

LABADII MURASHAX MIDKII LACAG LAHAA WEYN!!!

Screenshot_2017-04-01-20-55-26-1
Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug (DGG) waxa uu kamid yahay Dowlad Goboleedyada ka jira Dalka Soomaaliya ee loo dhisay sidii loo hirgalin lahaa Nidaamka Federaalka (Federal System).
4/JULY/2015 waxaa xilka Madaxtinimada Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ku tartamay Murashaxiin gaaraysa 6-murashax, waxaa wareeggii ugu dambeeyay isugu soo haray Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Axmed Macalin Fiqi, waxaana 49 Cod helay Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isla 27 JULY loo caleema saaray in uu noqdo Madaxweynaha Sharciga ah ee Galmudug.
26/FEB/2017 wuxuu ku dhawaaqay Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed inuu is casilay, xilkii uu Shacabka Galmudug u hayayna uu u dhigay, isagoo xanuun dartii isku casilay sida uu sheegay, waxaase jirtay in 10/JAN 2017 ay 54 Xildhibaan xilka ka qaadeen Madaxweyne Guuleed inkastoo uu diiday xil ka qaadistaas kuna tilmaamay in aysan sharci ahayn.
Dhismihii Madaxdii ugu sarreysay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kaddib waxaa soo baxayay in la dadajin doono doorashada Madaxweynaha DGG, iyadoo arrintaasi uu buuq ka dhashay haddana waxaa ugu dambeyntii la shaaciyay in 10/APRIL/2017 la dooran doono Madaxweynaha Cusub ee Galmudug.
Doorashadan ayaa la saadaalinayaa in aysan wax badan ka duwaneen doorashooyinkii hore ee ay soomaaliydu caanka ku ahaayeen, taasoo aan ka marneen Musuq maasuq, iyo COD-LACAG-KU BADALASHO, walow dadka qaar ay qabaan in arrintaasi ay dhammaatay, oo doorashadii Madaxda dalka ugu sareysa waddadii la maray in la mari doono, Galmudugna ay raaci doonto waxyaabihii ay ka baratay
doorashadii 8/FEB/2017 ka dhacday magaalada Muqdisho.
Waxaa xusid mudan in Shaqsiyaadka isa soo sharraxay ay ku jiraan rag horay isugu dayay in ay Galmudug maamulaan iyo rag kuba cusub siyaasadda,
  1. Axmed Macalin Fiqi: oo looga adkaaday Doorashadii 4/JULY/2015 Cadaado ka dhacday ee Guuleed loogu doortay in uu Hoggaamiyo Galmudug-ta cusub, ayaa kamida Murashaxiinta, walow fiqi lagu xamanayo in markii uu ku guul darreystay in uu kamid noqdo Mas’uuliyiinta ugu cad cad dowladdii la soo dhisay horraantii sanadkan, markii uu waayay wasiirna ugu dambeyntii ayuu ku dhawaaqay Murashax madaxweyne Galmudug
  2. Axmed Geelle Ducaale Xaaf: oo isaguna horay u soo ahaa Xildhibaan Qaran 16-kii sano ee u dambeysay haatanse aan wax Jago ah ka hayn dowladda Soomaaliya, ayaa kamida murashaxiinta
  3. Shirwac: oo kamida raggii qeyb ka qaatay Waxbarashada Gaalkacyo, Jaamacadna ka hir galiyay Koonfurta Gaalkacyo ayaa kamida murashaxiinta cusub waana markii ugu horreysay ee uu siyaasadda ku soo biiro,
  4. Axmed Shariif: oo laftiisu siyaasadda kusoo dhex jiray in badan balse lagu xasuusto Shaqsiyaadkii Maxaakiimta Islaamka 2006 lagu bartay, howl wadeenadii firfircoonaana kamid ahaa, Madaxweyne is magacaabay ee Galmudug-tii horena ahaa inkastoo uu u tanaasulay sida uu sheegay Madaxweyne Caalin ayaa isna kamida Murashaxiinta Galmudug iney hoggaamiyaan dooneysa.
  5. Qalab-Xoor: Nin lagu neynaaso ayaa jira oo la saadaalinayo in uu goor dhaw ku dhawaaqi doono balse Ololaha murashaxiinta billowday kuma jiro, waa nin kasoo jeeda qoys Ganacsato ah, Horay wuxuu u soo noqday Wasiir Arrimaha Gudaha ee Galmudug tii hore, sanadkii u dabmeeyayna xildhibaan qaran ayuu ahaa isagoo badalay xildhibaan kale oo qarax ku dhintay.
Isku soo duuboo hadal haynta todobaadkan ee deegaanda Galmudug ayaa ah in Labadii Murashax ee doonaysa in ay xilka ku tartamaan uu furan yahay tartanka, balse LABADII MURASHAX MIDKII LACAG LAHAA WEYN ayey maree sheekada doorashada Galmudug.
Galmudug intii uu hayay Madaxweyne Guuleed waxaa u suura gali weysay in uu xal siyaasadeed ka gaaro Kooxda Sufa oo gacanta ku haysa Magaalada Caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareeb, wuxuuse ku guuleystay in uu yareeyo colaadihii iyo is qabqabsiyadii u dhaxeeyay qaar kamida beelaha Galmudug ku abtirsada waqtigan, waxayna si nabad galya ah ku wada joogaan deegaanadii ay markii hore ku diriri jireen.
Waxyaabihii laga bartay doorashadii hore waxaa kamida in Wax-qabad haddii la doonayo aan lacag la qaadan, sababtoo ah laba sano oo kale wax qabad la’aan ayaa lag dhaxli doonaa haddii Xildhibaanada Galmudug ay doortaan Nin lacag bixiyay, waxaa xusid mudan in Murashax Shirwac uu si cad u sheegay in uusan Xilka lacag ku gadan doonin.

Waad ku mahadsantahay Booqashada Blog-gan

Qormadii: Iman Mohamed Jim’ale
Mogadishu-Somalia.
Hand phone: 00252 61 5189092 (Somalia, Online)
Official E-mail: imanjimale@gmail.com
Facebook: Facebook.com/Iman Jimale