Waxqabadkii Wasiir C/raxmaan Odawaa 2015-2017 (Warbixin+Sawirro)

Wararka Maanta

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa 6 Feberaayo 2015 loo magacaabay xilka wasiirka wasaaradda Arimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Waana mid ka mid ah tiirarka xisbiga PDP ee uu ka tirsan madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, C/raxmaan ayaa dhamaadkii 2015 ku biiray Barlamaankii 9-aad, waxaana Bishii November 2016 dib loogu doortay degmada cadaado.

C/raxmaan ayaa xilkaan hayey muddo 26 bilood ah ( 06 Feberaayo 2015 ilaa 01 April 2017),  isagoo maanta ku wareejiyey wasiirka cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Siciid Juxaa, C/raxmaan Odawaa waxaana lagu xasuustaa inuu ahaa siyaasigii ugu firfircoonaa dowladii Cumar C/rashiid, waxa wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka u qabsoomay  shaqooyin badan, waxaana ka mid ahaa:

Dhismaha Maamul Goboleedyada

  1. Maamul dhisidda Gobollada Mudug iyo Galgaduud waa lagu guuleystaywaxaana kasoo baxay  maamulka Galmudug.
  2. Maamul dhisidda Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waa lagu guuleystaywaxaana kasoo baxay maamulka Hirshabeelle.
  3. Wasaaraddu waxaa ay dowr weyn ka qaadatay dhismaha baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed. Si loo gaaro yoolka furitaanka shirweynaha iyo Dhismaha Baarlamaanka ee  Maamulka  Koofur Galbeed kasoo lagu guuleestay.
  4. Wasaaraddu waxaa ay dowr weyn ka qaadatay dhismaha baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland. Si loo gaaro yoolka furitaanka shirweynaha iyo Dhismaha Baarlamaanka ee Maamulka Jubbaland.
  5. Wasaaraddu waxaa ay aasaastay Madasha Xiriirka Heerarka Dowladaha oo shaqeyneyso isku soo dhoweynta iyo xoojinta xiriirka iskaashiga ka dhexeeya heerarka dowladaha iyo samaynta habraacyo lagu midooyo sharciyada, siyaasadaha iyo mashaariicda.

Diyaarinta Hindise Sharciyeedyada iyo Dhismaha Guddiyadda Madaxa banaan

  1. Guddiga Xuduudaha & Federaalka 
  2. Guddiga Doorashooyinka Qaran
  3. Hindise sharciyeedka Jinsiyqadaha
  4. Waxaa la diyaariyay lana ansixayay siyaasada hay’ada Qaxootiga Qaranka
  5. Waxaa la diyaariyay lana ansixayay siyaasada hay’ada Maaraynta Masiibooyinka
  6. Waxaa la diyaariyay qabyo qoraalka hindise sharciyeedka Axsaabta, loona soo bandhigay Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo dowlad goboleedyada lana ansaxiyey.
  7. Dib u eegis ayaa lagu sameeyay sharciga Maamulka Degmooyinka, loo soo bandhigay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada iyo bulshada.
  8. Cilmi baaris iyo wada tashiyo hordhac ah oo laga sameeyay maqaamka magaala madaxda Muqdisho.

Qorshaha Qaran Ee WadajirHannaanka Dowladaha Hoose

  1. Tiiraanyo Bixinta Bulshada
  2. Wada Tashiga Bulshada
  3. Xoojinta Nidaamka Dowladaha Hoose
  4. Hirgelinta Mashaariicda Nabadda (PBF)

Arrimaha Samafalka, Gargaarka iyo Diiwaangrlinta Hay’daha

  1. Howlaha Gargaarka beni-aadamnimada
  2. Xiriirka Hay’adaha Wadaniga iyo Kuwa caalamiga
  3. Aasaasidda Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha

Odawaa Odawaa2 Odawaa4 Odawaa5 odawaa7 Odawaa8 Odawaa9 Odawaa10 Odawaa11 Odawaa12 Odawaa13