Shirkii Kismaayo ee Axada lagu balansanaa oo mar kale dib u dhacay

Wararka Maanta

Wararka La xariira Shirka Maamul Gobooleedyada ee la filayay inuu Bari oo Axad ah ka furmo Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Jubbaland ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid furitaanka Shirka.

Dib u dhaca ku yimid Shirka ayaa lagu sheegay in aysan wili gaarin Kismaayo Madaxwaynaaasha Galmudug.Puntland Iyo Hirshabeelle ayadoo Hugaamiyaha Koofur-Galbeed kaliya uu gaaray Goobta Shirka loo asteeyay waxaana Kismaayo maanta ku wehliya Madaxwaynaha Jubbaland oo marti loo yahay.

Waxaana sidoo kale wili kala cadayn Mowqifka Dowladda dhexe ee shirka uu Axmed Madoobe iclaamiyay oo qorshuhu ahaa markii hore inay isku arkaan Dowladda Faderaalka Iyo Dowladda xubnaha ka ah balse DFS ayaan wax war ah kasoo saarin qaban qaabada shirka Kismaayo waxaana muuqata inaysan la dhacsanayn isku imaatinka Madaxda Maamulada oo intooda badan ay isku hayaan Arimo siyaasdeed sida Khilaafka Wadamada Khaliijka waana arin kale oo Shirka dib u dhiciisa lagu sababayn karo.

Maalinta Talaada ayaa la filaa  inuu shirka furmo sida ay sheegaan wararka Kismaayo  Madaxwaynaha Jubbaland ayaa sheegay in waxa kasoo baxa Shirka ay yeelayaan Madaxda Maamul Goboleedyadu ay ula  tagi doonaan Dowladda ayagoo wada socda.

Saadaal kala duwan ayaana kasoo baxaysa Shirka ay ku balan sanyihiin Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalku waxaa laga cabsi qabaa isbahaysi xoogan oo ka dhan ah Dowladda Farmaajo.

Ceelhuur.com