Guddiga Doorashada oo wada qorshe ah in 51 xubnood ee xildhibaanka dooranaya meesha laga saaro

Wararka Maanta

Guddiga doorashooyinka ayaa wada qorshayaal ay ku doonayaan sidii meesha looga saari lahaa 51-ka xubnood ee soo dooranaya Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo ku sababeynaya dhowr arrimood oo qeyb ka tahay amniga, dhaqaalaha iyo waqtiga oo aad u yar.

Kulamo xiriir ah oo Guddiga doorashooyinka ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlayay qaabka hirgelinta doorashooyinka soo socda iyo caqabadaha ka hor imaan kara, iyadoo la isla eegay sida ay suurta galka u tahay in doorashada waqtigeeda dhacdo.

Guddiga doorashooyinka ayaa lagu wadaa in shirka soo socda ee Madasha Wada-tashiga Qaran ay hor-geeyaan qorshe ku aadan in laga kaaftoomo ergada soo xuleysa Xildhibaanada ee 51 xubnood, waxaana taa bedelkeed ay doonayaan in loo madax banaaneeyo odayaashii 135 oday ee soo xulay Baarlamaankii 2012-kii.

Hase ahaatee qorshahan oo ah mid ugub ah ayaa waxay jahwareer kale ku keeni kartaa hanaanka doorashooyinka oo dib u dhacyo badan ay hareeyeen, waxaana ka digaya qaar ka mid ah xubnaha axsaabta siyaasada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxda dowladda ay qorshahan wax ka wadaan, iyagoo ka arka danahooda, maadaama hadii 51 xubnood soo xulaan Xildhibaanada ay suura gal tahay inay meesha ka baxaan xubnaha ay wataan.

Qorshaha hada la wado ayaa ah mid u fududeyn karta Odayaasha inay dhaqse ku soo magacaabaan Xildhibaanka ay madaxda rabaan, maadaama la rumeysan yahay in inta badan Odayaasha dhaqanka ee liiska 135 oday ku jiray inay u janjeeraan dhinaca Madaxda dowladda.

Dad badan ayaa aaminsan in soo xulistii Baarlamaankii 2012 oo musuq maasuq badan uu hareeyay uu ka duwanaan doono doorashada Xildhibaanada ee sanadkan 2016, maadaama xarumaha maamul goboleedyada ay ka dhaceyso doorashooyinka, isla markaana 51 xubnood oo ka socda beel walba ay soo dooranayaan xildhibaan, bedelkii oday dhaqameed uu soo qori lahaa.

Lama oga sida qorshahan cusub ay u aqbali doonaan Madaxda dowlad goboleedyada oo ay yar tahay awooda ay ku yeelanayaan soo xulida Xildhibaanada labada aqal, hadii odayaasha dhaqanka ee 135-ta oday loo madax banaaneeyo inay kaligood soo xulaan Xildhibaanada.

Xigasho: Jowhar.com

Comments are closed.