Khayre”Dadka diidan Horumarka Dalka waxay Saaxiib la yihiin 27-kii sano ee lasoo Dhaafay

Wararka Maanta

Fariintaan oo u muuqatay in Ray’iisul Wasaare Khayre uu u dirayay Mucaaradka Xukuumaddiisa ayuu ku Sheegay in dadka Doonaya in Qabyaalad wax lagu Maamulo ay yihiin kuwo ka Shaqaynaya in aan lagaarin wax Hormar ah Islamarkaana Doonaya in Gadaal loo Socdo waxuuna Sheegay in dadkaasi Saaxiib la yihiin 27-kii Sano ee Dalku Burburka iyo Dhibaatada ku jiray.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay dadka  Shacabka Soomaaliyeed ee hormarka dalka jecel inay heystaan Saaxiib wanaagsan oo la yiraahdo Farmaajo

“Cidii rabta inaan qabyaalda ku bedelno Qaranimo iyo sharaf, Cidii rabta inaan xanuun u adkeysano sanad iyo labo sano, Cidii tiraahda waa inaan dhisanaa dowlad wanaagsan, Cidii intaas dooneysaa waxaad heysataa Saaxiib la yiraahdo Farmaajo”.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in ay Xukuumadiiso Dadaal ugu jirto sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Dalka, si dalka uu isugu filnaado, isagoo soo hadal qaaday in Xukuumadda ay wado dadaal lagu dhisayo Ciidan Qaran oo hanta Amaanka guud ee Dalka.