Xasan Cali Khayre Ra’iisal lWasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo kusugan Dalka Mareykanka ayaa xalay gobolka Virginia kula kulmay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka si uu warbixin uga siiyo xaaladda Dalka.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Khudbad uu ka jeediyay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia ee Mareykanka wuxuu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, iyo hooylka ay hiigsanayso Dowladda Soomaaliya.
Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha oo ahayd mid dheer ayaa wuxuu kaga hadlay arriomaha siyaasadda,dhaqaalaha,ammaanka iyo dib u dhiska Dalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in Dowladdu ay ku guuleysatay waxqabashada arrimaha Amniga,bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqalaaha,oo uu raiisul Wasaaru sheegay in ahmiyad weyn ay siisay Dowladda.
“Waxaan idin balanqaadaynaa in aan soo celino sharaftii iyo karaamadii uu lahaa dalka, Waa la dhaafay waqtigii dhexdhexaadnimada,waa la dhaafay , waqtigg xumaanta qofka in uu sheego oo laga aamusi jiary,waxaan rabaa in qofkasta uu ka qeybqaato horumarka dalka,aan ku wada shaqeyno astaantii ahayd hadii aadan wax u tarikarin dalkaada,wax dhibato ah ha ugeysanin,Soomaaliya waa dalka Sharaf leh,waxaa ii muuqanaysaa Soomaaliya oo barwaqo ah”, Ayuu yiri raiisul Wasaare Khayre.
Wuxuu intaasi ku daray in Dowladdu ay ku guuleysatay in ay bixiso qeyb kamid ah deymihii dalka lagu lahaa isagoo xusay in ay bixiyeen lacag dhan 5.1 Billyen oo Dollar oo lagu lahaa Soomaaliya.
Raiisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in qurba joogta Soomaaliyeed dhamaantooda looga baahanyahay in ay kaalintooda ka qaataan horumarka dalkooda hooyo,isagoo ugu baaqay in qibradooda iyo aqoontooda ay isugu geeyaan maadaama ay yihiin dowr ku leeyihiin horumarinta dalkooda hooyo.
Hadalka ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid markii uu soo dhamaaday shirkii Golaha Guud ee QM oo uu uga qeyb galay magaalada New yorka halkaasi oo uu ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay arrimaha Soomaaliya.
@SONNA