Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo kala saxiixday heshiis (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa heshiis Saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara.

Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.

Sidoo kale madaxdan ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha u dhaxeeya Jabuuti iyo Eritrea, waxayna ku heshiiyeen in la bilaabo wada xaajoodyo lagu dhammeynayo arrimahaas si loo xaqiijinayo danaha isku tolan ee dalalka Geeska Afrika kuwaas oo horseedaya nabadda iyo horumarka gobolka.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa la qorsheeyey in ay ku kulmaan magaalada Asmara, 6-da iyo 7-da bisha September 2018, si ay uga wada xaajoodaan adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Afrika.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ka wada hadli doona, qaabkii lagu soo afjari lahaa dhammaan khilaafyada siyaasadeed iyo bulsho ee u dhexeeya dalalka Geeska si loo helo waddamo daris ah oo is-oggol, si nabad ahna u wada nool.

Soomaaliya ayaa doonaysa inay kaalin weyn ka qaadato isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardargeliyo ganacsiga iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha Geeska.