Baroortu Orgiga ka weyn!!!.. Xayiraada Puntland Ganacsiga koofurta

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Maamulka Puntland ayaa 1 bishan Sebtembar joojiyay gaadiidka xamuulka ee u kala gudbaya koofurta Soomaaliya iyo Puntland, waxa ayna ku sababeeyeen sugidda Ammaanka deeganada Puntland, inkasta oo arintu sidaa ka duwaneyd, Gaadiidleyda ka soo jeeda koofurta Soomaaliya ayaa lagu amray in wareejiyaan buugga lahaanshaha gaariga hadii ay u gudbayaan koofurta Soomaaliya, xoolihii ka imaan jiray koofurta ayaa lagu kala wareejinayaa Galkacyo, waxaana arintaas culeys badan ku keentay ganacsiga iyo isku gudubka Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa sarakac ku yimid qiimaha badaceedaha kala duwan gobolada Dhexe, halka Qiimaha khudaarta iyo xoolaha ayaa cirka isku shareeray deeganada Puntland, arintaan ayaa keentay in ay is abaabulaan ganacsatada gobolada dhexe oo dareemay in ganacsigoodu lagu beegsanayo.

Madaxda Maamulka Galmudug oo ay shacabka ka filayeen in ay talaabo qaadaan ayay u muuqataa in ay ku gaabsadeen war-saxaafadeed digniin iyo dardaaran isug jira, waana tan keentay in ay ganacsatadu ay go’aansadaan in aysan sugin maamulka oo ay abaabul sameeyaan, waxaana socda shirar looga tashano sidii caqabadan xal loogu heli lahaa.

Baroortu Orgiga ka weyn

Arintan xayiraada Ganacsi ayaa dadku u arkaan boor isku qaris, laakiin waxaa jira qorshe ay  kawada shaqeeyeen  Maamulada Puntland iyo kilinka shanaad, waxaana qorshuhu yahay sidoo sare loogu qaadi lahaa qiimaha badeecadaha deeganada Gobolada dhexe oo 80% ay uga yimaadaan magaalada Boosaaso, qorshaha xiga ayaa ah sidoo loo soo koobi lahaa deeganada ee maamulka Galmudug  ka taliyo, waxaan qorshan dambe qeyb ka ah maamulka Ahlu sunna.

In puntland ku dhiirato xayiraad ganacsi ah ma ahan qorshe dhow, balse waa mid laga baaraan dagay, oo lagu naafeynayo dhaqaalaha gobolada dhexe, laakiin waxaa suurtagal ah in ay arintan faa’iido u noqoto ganacsatada Gobolada dhexe ay xoogga saaraan sidii ay u furan lahayeen dekadda Hobyo.

 

Comments are closed.