Jubbaland oo Puntland ku wareejinaysa ninkii Bosaso gabadha ku dhibaateeyey

Wararka Maanta

Ciidamada Booliska maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ka dhoofiyey eedeysane Cabdirisaaq Warsame oo ahaa Eedeysanihii Faa’isa ku dhaawacay Boosaaso iskuna dayay in uu Kufsado.

Ninka ayaa laga dhoofiyey garoonka Kismaayo isaga oo labada gacmood ka Xiran , waxaa ay kuwareejin doonaan eedeysanahaan gacanta ciidamada ammaanka Puntland.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday dhacdadan foosha xun, maamulka Puntland ayaa sheegay in ay cadaalada marsiin doonaan ninkaan.

1 thought on “Jubbaland oo Puntland ku wareejinaysa ninkii Bosaso gabadha ku dhibaateeyey

Comments are closed.