Madaafiic lagu garaacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

Wararka Maanta

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Baay ayaa sheegaya in xalay madaafiic lagu garaacay qeybo ka mid ah magaalada sida ay warbaahinta u sheegeen goob joogayaal.

Madaafiicdan oo loo adeegsaday hoobiye ayaa la sheegay in qeybo ka mid ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo lama sheegin cid wax ku noqotay.

Dad ku sugan magaalada Baydhabo oo warbaahinta hadlay ayaa sheegaya in inta badan madaafiicdan ku dhaceen goob cidla ah oo dad aysan ku sugneyn lamana soo sheegin qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhalatay.

Majiro wax war ah oo kasoo maxay Maamulka Koofur-galbeed iyo kan Degmada Baydhabo oo ku aadan Madaafiicda lagu garaacay Magaalada Amaanka magaalada Baydhabo ayaa waxaa ilaaliya ciidamada maamulka Koonfur galbeed iyo ciidamo ka tirsan howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Al-shabaab ayaa inta badan ciidamada huwanta ah kula dagaalama deegaannada dhaca dulleedka magaalada Baydhabo oo ay weerarro ka soo qaadaan.