Jubaland oo qaadacday shirka madasha iskaashiga soomaaliya ee maanta muqdisho ka furmay

Wararka Maanta

Maamulka Jubbaland ayaa qaadacay ka qeyb galka shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galayaan Dowladda Federaalka, qaar ka tirsan dowlad goboleedyada iyo Wakiilo ka socda illaa 50 dowladood.

Wasiirka Maaliyadda Jubbaland C/rashiid Jirre Qalinle oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in aanay Jubbaland ka qeyb galeyn Shirkaas, waxaana uu ku tilmaamay in habka loogu martiqaaday shirkaas ay aheyd mid qaldan.

“Marka Koowaad casuumaada la soo diray mid toos ah ma aheyn baraha bulshada ayaa ka aragnay, mida labaad Casuumaada Xafiiska ay ku habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la casuumay, in Jubbaland la dhaho Wasiir baa la casuumay waa qalad oo la dhaho Wasiirka Maaliyadda la casuumay oo matali doono arrin sax ah ma ahan”ayuu yiri C/rashiid Jirre.

Waxaa uu sheegay in aanay waxba ka qabsoomin waxyaabihii lagu heshiiyay shirarkii hore ee ka dhacay London sanadkii 2017 iyo kii ka dhacay Brussels sanadkii hore 2018, isagoo intaa ku daray in shirka SPF ee ka furmay Muqdisho aanu ogeyn waxa lagu heshiin karo iyadoo aan loo dhammeyn oo maamul goboleedyadii oo idil aanay ka qeyb galeyn.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laheyd qaban qaabada shirka ayaa ku martiqaaday Wasiirka Maaliyadda Jubbaland, waxaana ajandayaasha shirka maanta furmay ku jiray khudbad uu Wasiirkaas ku lahaa shirka.

Maamulka Puntland ayaa qaadacay ka qeyb galka shirka SPF, waxaana Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo shirka lagu casuumay uu shuruud ku xiray in la casuumo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaasoo dowladda Federaalka ay sheegtay in aanay aqoonsaneyn dib u doorashadiisa.

Si kastaba ha ahaatee shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka furmay Muqdisho ayaa ku bilowday jawi ay ka muuqato kala qeybsanaan siyaasadeed iyo in aanay u dhammeyn dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.