Jen. Jaamac M.Qaalib oo ka diiday xilkii uu u magacaabay Madaxweyne Farmaajo

Wararka Maanta

Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ka cudur daartay xilkii guddoomiyaha guddiga taakulada Ciidanka ee uu habeen hore u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Jen.Jaamaca ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta in uu xilkaas ka cudur daartay,waxaana uu  intaas ku daray in markii horeba uu aqbalay.

Jaamac Maxamed Qalaib ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Guddiga taakulada Ciidamada Dowladda,waxaana ku xigeen looga dhigay Sheekh nuur Baaruud Gurxan.

Waxaa uu sheegay in uusan xilkaas aqbalin markii hore islamarkaana aysan jirin is casilaad ee uusan markii horeba ka aqbalin Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Habeen hore kula lagu sameynayay Guddiga taakulada Ciidamada kaga dhawaaqay in Jeneraal Qaalib iyo Sheekh Nuur Baaruud ay yihiin Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Guddiga Taakulada Ciidamada Qaranka.