Jabuuti oo Mashaariic hormarineed ka fulinaysa Koonfur-galbeed

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku Sugan Magaalada Jabuuti ayaa waxaa kulan Muhiim ah laqaatey Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa a uga wada hadleen arimo Farabadan oo kamid ah sidii Mashaaric Horumarineed Dowladda Jabuuti ay uga  Hir-gelin laheyd Dekada Baraawe Isbitaalka Magaalada Marko ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose

Dowladda Jabuuti ayaa dhankeeda Balan qaadey In sida uga dhakhsi badan ay Mashaariic Horumarineed uga fulin Doonaan Degmooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa balan Qaaday in Isbitaalka Degmada Marka la dhisi doono, Isla markaana ay qalabeyn doonaan isbitaalkaas.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Mamulka Marsooyinka iyo Goobaha ka Caagan Canshuuraadka ayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u bandhigay in dhismaha Dekada Baraawe ay dhisi doonto Dowlada Jabuuti wuuna Soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada muqdisho oo uu markii hore ka ambabaxay.