Sida lagu daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya Ciidamada Kenya ayaa waxaa la sheegay inay la wareegeen Ammaanka Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo dhawaan loo diiday in uu tago degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo.
Sidoo kale Wargeysa waxaa uu shaaciyey in Saraakiil ka tirsan millateriga Kenya ay u sheegeen in Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland ay Ciidamada Itoobiya u diideen in uu tago degmooyin ay kamid tahay Balad Xaawo,taas oo keentay in uu aado Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari.
Hotel uu ka degan yahay Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa la sheegay inay ammaankiisa ku ilaalinayaan Ciidamo ka tirsan Millateriga Dowladda Kenya.
Marka laga soo tago warkaan lagu daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa waxaa xusid mudan in dhawaan Maamulada degmooyinka, Doolow,Luuq iyo Balad Xaawo ay sheegeen inay ku biireen Dowladda Federaalka Soomaaliya kana baxeen Maamulka Jubbaland.
Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga waxa ay u dirtay gobolka Gedo,kuwaas oo Ciidamadii ku sugnaa Gobolkaas ku bilaabay diiwaan gelin iyo inay ka mid noqdaan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo Xisbiyo kale ayaa dhawaan waxaa ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya tacadi iyo dhibaato ka wadaan Gobolka Gedo halka Maamulka Jubbaland ay tiro laba jeer ah dacwad ka gudbiyeen Ciidamada Itoobiya.