James Swan oo cambaareeyay weerarkii hoobiyaasha ahaa ee Xalane

Wararka Maanta

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa cambaareeyay weerarkii hoobiyeyaashii ee shalay lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay iyo AMISOM ee ku yaal caasimadda Soomaaliya gaar ahaan xerada Xalane.

“Waxaan aad ula yaabay ficilkan argagaxa leh ee lagula kacay shaqaalaheena, kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeeya arrimaha samafalka, dhismaha nabadda, iyo arrimaha horumarinta. Nasiib wanaagse, inbadan oo shaqaalaheenna ah ayaan wax cabsi ah laga qabin. Waxaan u rajeynayaa asxaabteena dhaawacmay inay si buuxda uga soo kabsadaan dhaawacyadooda, ”ayuu yiri Mr. Swan.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlaha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Ma jirto sabab loo qaadan karo falalkaas naxariis darrada ah, Qaramada Midoobayna waxay wali ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto jidkeeda nabadda, xasilloonida iyo horumarka.” ayuu kusii daray Swan.

Illaa toddobo ruux oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa ku dhaawacmay weerarka hoobiyaasha ee lagu qaaday shalay xarunta Xalane.