Kulamadii Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muddo ku dhow 20 cisho ay u qabsoomi la’yihiin ajande la’aan, kaddib markii Kalfadhiga labaad ee Aqalka sare si rasmi ah loo furay 12-kii bishan.
Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in tan iyo markii la furay kalfadhiga labaad aanay illaa iyo hada wax fadhi ah qabsoomin.
Mid ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ayaa sheegaya in Ajande la’aanta uu la furmi la’yahay Kulamadi aqalka sare ay sabab u yihiin qorshe la’aanta Guddoonka, oo aan wali wax ajande ah soo hor-dhigin.
Kalfadhigii 1aad ee Aqalka sare ayaa lagu ansixiyay xeer hoosaadka uu yeelanayo Aqalka sare, hindise sharciyeed iyo Guddiyada joogtada.
Inkastoo aanu ula fal galeyn sida Golaha shacabka oo howlihiisa ugu weyn ay yihiin la xisaabtanka Xukuumadda, hadana waxaa la rumeysan yahay in Labada Aqal ay isku qaban karaan marka ay timaado qodobo dastuuri ah.
Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la rumeysan yahay in aanu wax door ah ku laheyn hey’adaha sharci dejinta, maadaama qodobo kooban uu ku leeyahay Dastuurka.
Howlihii uu ka qeyb qaatay Aqalka sare ayaa waxaa ka mid ahaa doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee dhacday 8-dii bishan, sidoo kale Aqalka sare wax door kuma lahan Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha, Xukuumadda uu soo dhiso iyo la xisaabtankeeda.
Aqalka sare oo ah Baarlamaan ku cusub saaxada siyaasada ayaa waxaa xubin ka ah 54 Xubnood oo laga soo doortay Maamul goboleedyada dalka.
Xigasho: Jowhar.com