Galkacyo Waa magaala madaxda gobolka mudug. Waxay Ku Taal bartama soomaaliya, magaalada muqdisho waxay u jirtaa 750km,Waa magaalo bilic ahaan qurux badan oo soo koraysaa waayadan danbe.
Dadka Wada dagan magaalada Galkacyo Waa dad lagu xanto ad adeeg iyo karti, hadana malahan doorasho, waa kuwa aan xor aheyn waxaa xargo adag ku haysta QABIIL. Waa dad Wada saaran Hal doon, nasiib darase waxaa doontaa Wada labo kaptan oo midba dhankuu doono u wado, marmarka qaarna Waa mid qalibmata. Dadku badankood aad ayay arintaa uga dhaadhacsantahay, hadana caadifada qabiil ee gaamurtay ayaa hilmaam siinaysaa wanaaga iyo Wada daganaanshaha.
Xiisada cusub ee ka jirta magaalada Waa mid ka dhalatay qaraxii dhawaan ka dhacay. Dadku Waa kuwa dhag taagaya saacad kasta ayuuna dagaal dhici karaa, cabsi iyo walaac ayaa jira xiligan.
Wax Kala qeybsanaan ah oo cad galkacyo Kama jirto ee dadka ayaa quluubtooda laga dhaadhiciyay. Qofka galkacyo imaaday ama Ku nool Waa wax uu arki karo fahmina karo, tusaale cad waxaa kuugu filan Galkacyo malahan laami Kala qeybsha, malahan wabi Kala gooya, mana lahan darbi Kala celsha ee laba guri oo isku dhagan daris ah oo dab Kala qaata ayaa midna maamul hebel canshuurta ka qaada kan soo harayna maamulka kale ayaa canshuur ka qaata, dukaamadana Waa sidoo kale.
Dadku maahan kuwa bisil oo heeryada saaran iska dul qaadi kara. Qabiilka ayaa waxwalba Kala weyn wuu u dhimanayaa dhiig walaalkii wuu u daadin karaa hantidiisana wuu u bixinayaa caadiyan.
Magaaladan Waa magaalo la Wada dago oo danteeduna mid tahay. Xalka kaliya ee Ku badbaadi kartaana Waa ayadoo yeelata Hal maamul oo daacad ah, danta dadkana Ku shaqeeya, dadkuna helaan nabad iyo daganaansho.
W/Qorey: Fartun Hassan Agey
Galkacyo-Soomaaliya
Comments are closed.