Daawo Sawirrada: Farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyey Muqdisho

Wararka Maanta

Musharaxa Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo oo saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo soo dhaweeyey.

Farmaajo oo saaka ka soo kicitimay magaalada Nairobi oo uu muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Taageerayaasha Farmaajo iyo kooxdiisa ololaha ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka waday magaalada Muqdisho isu soo bax iyo diyaar garow ay ku soo dhoweynayeen.

Dadkii soo dhoweynayay ayaa ku sugnaa banaanka garoonka, iyagoo watay sawiradiisa, sidoo kale dadweyne badan ayaa ku sugayay banaanka hoyga uu ka degan yahay Muqdisho.

Musharax Farmaajo ayaa taageero badan ku leh magaalada Muqdisho, iyadoo imaanshihiisa saaka ay ku soo aaday, xilli ay xiran yihiin waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

 

farmaajo farmaajo1 farmaajo-2 farmaajo-3 farmaajo-5 farmaajo-8