Ha kufsane karaamee!

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Ha kufsane karaamee!

 

Anigu ma daawan muuqaalkii maalmahan baraha bulshada la wareejinayey, sida aanan u daawan muuqaallada la jaadka ah, ee dhiig iyo dhibbane ay ka muuqdaan, ee caloolrogmad iyo uur ku taallo kaliya kugu reebaya, oo laabta ayaa daalacatee, ishaydu ma daawato. Intii sanado ahba, waan ka reebay heddeyda, in ay daawato muuqaalladaa caynkaa, haddana, ku ma sii jiraan kuwa dhiigga, xabno qof iyo qaawni ka muuqdaan, waliba qasaba.

Qormadan waxaan ku cabbiridoonaa dareen iyo damqasho, sida tii horaba, ee marna ha iga sugin, in aan kuu wariyo wixii dhacay, sidey u dheceen, gabadha ay ku dhaceen, wiilasha ay ka dhaceen iyo deegaanka ay ka dhaceen, maxaa yeelay, intaas oo dhan aniga waxba igu soo kordhin mayaan, mana badalayaan aragtideyda ku aaddan dhacdooyinka la midka ah, ee dhaqankeenna bulsho iyo siyaabaha aan u la falgalno had iyo jeer.

La ye; “dhib hadduu yimaad dhabbaqo meel beeshay!” micanaha, aniga muhim ii ma ahan tebinta habab iyo tireynta horimmo ee dhacdo, sida ay muhim iigu u tahay, garashada, ka garaabidda iyo u guntashada gaabinteeda iyo gudub ku dadabkeeda, si ay u badan, u helin hiil ama aan hacoo walbaa uga hadalqabsan, isagoon aqoon, dareen, ogaal iyo aqool midna hagayn kuna hawraarsanayn, ee hadaaq, hantaatac iyo hadar huuhee’eed kaliya la hullaaban.

Dorraad, shalay iyo maanta, waxaan siyaabo ka duwan isu maqalnay marwooyin sheeko wadaag aan nahay. Dareenka isaga mid ayaan ahayn, balse, waxay i dheeraayaan dhammaan, in ay muuqaalka daawashadiisa ka dib wada ooyeen. Malaha anba waan oyn lahaa, haddii aan muuqaalka daawan lahaa? Oohin meel ma jirto, ee calool adayg ayaa la is dheeryahay! Ka warran fal aan kugu dhicin, xanuunkiisa haddaad ka oydo? Wax weyn. Saw ka ma sii darna, haddii uu kugu dhici lahaa, Eebbe nagu ma keenee?.

Gabar, mar waa hooyadii ku dihatay, ee dharabta iyo dhabta kugu qabatay, haddana dhabarka kugu qaadday. Waa abuurka noloshee, xibintii aad adoo xoolyar ku duuban ka la soo baxday, iyadoo ay xanuun iyo xanfaf dareemayso, haddana, xinjirro wehliyaan, ayaad markaad qoor noqotay, ood qooqday, waxay garashadaadu ku siisay, in aad xoog iyo xurmodarro ku la aaddo gabdhaha cadkii yaraa, ee ciddada la ekaa, adoon xishoonayn xasuusna lahayn!

Gabar, mar kale waa waalaashaa, uurka kuu bannaysay, ee ku soo qaadday, ama uurka aad u bannaysay, ee korriimadaada iyo koriskaaga ka qaybqaadatay, kuna xannaanaysa mar walba, iyadoo kaa yar.

Gabar, waa ta kuu dhaxday, kuu dhaxda ama kuu dhixidoonta, ee aad nolol wadaag noqon doontaan, ee GARAAD GUSLE, ka warran, haddii gabar oo dhan la soo wada kufsan lahaa? Yaa ku dhali lahaa, yaa ku la dhalan lahaa, yaadse u dhixi leheed?.

Ma kacsatay? Ma qooqday? Galmo iyo gogol ma rabtaa? Hadday haa tahay, siyaabo badan oo lagu helo ayaa jirta, ee adoon xoogin, adoon kufsan, adoon faraxumayn, adoon karaamotirin, adoon gaboodfalin, adoon gefgaysan, ama godob gelin, is ka guurso, oo aroos, waxaad helidoontaa mid aan laguu xisaabine.

Intaa iyo in kale, oo aan qoraal lagu tebin, dareenkase nooga wadataagan, wixii kaa anfaca ka qaadee, fadlan, gabar ha kufsane karaamee. Nolashu qasab ma ahan, ee waa qanac iyo yeelmo, hadday ku diidday, kumannaan ku rabi kartaa ayaa jirtee, maxaad taas ku diidday ugu mayal adaygaysaa, maad kuwaa kale ee ku rabi kara raadsatid?.

Ha kufsane karaamee, ku ma jeeddo kaliya kufsadaha dhalfo dhimatay, oo dhaluugan la dultagay gabar aan dhadhansanayn, ee waxaa kufsiga gaystay, oo karaamo la’aan dhigay gabadha, dhammaan intii si xun u sheegtay, si xanaf leh u tebisay, deegaan gaar ah ku leexisay, beelo gaar ah ku xustay, cawrada gabadha baraha bulshada ku wareejisey.

Sidoo kale waxaa kufsiga gaystay midka aan ka hadal xanuunka gabadhaas haya iyo xumaha loo gaystay, ee nagu madax xanuujiyey xukun aan meeshaba ool ama xeer aan jirin, halka ka ay eheed, kana dhaweed, in uu dareen iyo damqasho wax noogu sheego. Saacaddan la joogo ma filayo, in gabdhaa ay ahmiyad siinayso falka laga yeelayo kii kufsaday, aan ka ahayn, in ay hesho xoog, xeelad iyo xoolo ay ku hanato heddeeda, si ay hore ugu kacdo, una higsato ayaan ka wanaagsan kan soo maray, ee aayuhu u kaydinayaan.

Labo baan jeclaan in karaamaynta dumarka lagu daro, oo ah, in aan dhaqanka iyo diinta eed aysan lahayn dusha laga saarin ama eeddooda eed ka weyn loogu darin. Waxaan arkaa illaa shalay kuwa leh; oday dhaqamadeed arrintan xal ka ma geli karo. Haye oo yaa ka galaya? Ma hannaan aan oday dhaqameed ahayn ayaan leenahay? Ma waxaad is leedihiin maamullo ayaa noo dhisan? Waxaad ogaataan, oday dhaqameed ayaa dhisa, isaga ayaana maamula, oo qaddiyad walba, oo gaangoyn guud ah qayb ayuu ka yahay, marka dhaqanka iyo oday dhaqameedka yaan la saarin eed aysan lahayn, kolka anagu bulsho ahaan aan uga gaabinno, in aan kaalmihii kale buuxin weynnay!

Tan diinta, waxaan arkaa qolyo dariiq walba la taagan kufisiga diinta ayaa fududaysa ama kuwo kale oo leh, kufsiga waxaa ka horreeyey kufsi maskax! Bal aan idin weydiiyee, dunida meel aan kufsi ka dhicin ma lahane, meelahaa oo dhan ma kufsi maskaxeed ay diinteennu gaystay ayaa keenay? Ka sokow, waddammada galbeedka ee dunida ugu xorriyadda badan uguna furfuran kufsigu waa ka jiraahe, diin ISLAANNA ma haystaane, maxaa kufsiga u keena?.

Labadaa ka dib, Qof aan halabuur lahayn ma jiro, haddana, in dumarku yihiin halbuur socda ma ogtahay? is ka daa waxa ay halabuuraane, quruxdooda, filsamaantooda, qaabkooda, jooggooda iyo jirkooda ayaaba HALABUUR AH. Ka warran, marka haddii halabuurkaa dabiiciga ah ay ku sii darsato, mid kale oo farsamo iyo gacan ama af iyo eray; aqoon? Heegosare. Ka sii wada muhimsane, dumarku saw ma ahan halbuurka dunida weyn kuwa halabuura? DHALMADA ILMAHA!

Gabar. Dumar. Haween. Hablo. Dareemmo maan iyo muruq ka samasayn, oo is ku lammaanan. Day kaliya magacyada dumarka sida; Filsan, Qalanjo, Qumman, Ebyan, Iftin, Bilan, Hodan, Habboon, Hogol, Sagal, Suubban, Samxiga. Kuwaa oo dhan iyo kuwo kale, oo badan waa wada halbuur saw ma ahan? Magacyada LAB barbardhig; Raage, Guuleed, Samatar, Gallad iwm, Qurux ma uga jeddaa, aan ka ahayn waxtarkooda? U fiirso; midna waa qurux iyo halabuur, falsanaan, midna waa waxtar iyo samayn. Saw ma ku la duwana, kalana macno iyo dareen foga? Ani ahaan haa.

Marka quruxda ha dilin. Nolosha ha duugin. Halabuurka ha waxyeellayn. Dareenka ha dhawaacin. Aayaha ha ku dheelin. Intaa iyo ka badan waxaad samayn kartaa marka aad karaamasayso dumarka, ee aadan af, addin iyo uur uga xadgudbin.

 

Ha kufsane karaamee

Kadeed iyo dhibaatiyo

Kaar iyo xanuun iyo

Kahabasha ka dhawroo

Kalsooniyo dareen geli

Kashu hay qabowdee!

 

Kibri oo bal weynee

Kor u qaade maamuus

Koolkoolli oo hano

Waa Kaahe yuu damin

Caro iyo kulayl iyo 

Kuurkuurya muran iyo

Ka ilaali keenada!

 

Kasdarriyo fudayd iyo

Kadalloob ma fiicnee

Kaalintaadu yey noqon

Mid kidfaaya samahoo

Kadabjara wanaaggoo

Aan kaadso garanayn.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

Tagged