Xaaladda Siyaasadeed ee Galmudug ayaa maraysa marxalad xasaasi ah, Qodobada ugu muhiimsan wararka Galmudug:
- Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug waxaa maanta ku kulmay Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug iyo Waxgaradka beesha Saleebaan ayaa natiijo la’aan kusoo idlaaday. Waxagaradka Cadaado ayaa ku adkeystay in aysan tageen shirka Dhuusamareeb ilaa laga xaliyo tabashada ay qabaan iyo balan ka baxyadii Madax Dowladda Federaalka. Guddiga ayaa dIb ugu laabtay Dhuusamareeb, iyagoo wajigabax kala kulmay waxgaradka deegaanadii ay booqdeen.
- Magaalada Hobyo gobolka Mudug waxaa kusoo qulqulaya ergada ka qeybgalaysa Shirweynaha beesha Habargir, oo la filayo inuu Dhawaan furmo, ergooyinka ayaa ka kala yimid gudaha dalka iyo dibadiisa. Guddiga farsamada Shirka ayaa diyaariyey goobihii martigelinta iyo hool weyn oo shirka lagu qabanayo. Ciidamada ayaa sugaya Ammaanka magaalada iyo xarumaha muhiimka ah.
- Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug waxaa muddo bil ka badan ku sugan Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, isagoo galabta booqday xerada ciidamada Ahlu sunna, Dhuusamareeb ayaa waxaa ku loolamaya Kheyre iyo Macalin Maxamuud oo hadda ay muuqato isku soo dhawaansho siyaasadeed, laakiin dadka siyaasadda Galmudug odorosa ay tilmaamayaan in ay adag tahay in si sahlan looga Adkaado Macalin Maxamuud oo ah hogaamiyaha ruuxiga ah ee Ahlu Sunadda Gobolada Dhexe.