Wariye lagu xiray gobolka Hiiraan

Wararka Maanta

Ciidamada Amaanka ee ku sugan magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa xalay gurigiisa kala baxay mid ka mid ah wariyeyaasha ka howgala magaaladaas.

Lama oga sababta ka dambeysay in Ciidamada ay kala baxaan gurigiisa wariye Amiin C/asiis Sheekh Cali, oo ka howlgala Radio Hiiraan-weyn qeybta Buula-burde.

Agaasimaha Idaacadda Hiiraanweyn Maxamed Cusmaan Makaraan oo la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay ilaa iyo hada in aysan garaneyn sababta ka dambeysa in wariyaha ay wataan Ciidanka ammaanka, ogeysiis la’aan.

Wariyayaasha Soomaaliya ayaa ku shaqeeya duruufo adag, waxaana inta badan maamuladu kula kacaan suxufiyiinta xarig iyo dil.