Guuleed : " nalagama tashan ciidanka DANAB ee Galkacyo la keenay"

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaad todobaadkan bilowgiisi gaaray Waqooyiga Magaalada Galkacyo ciidamo kumaandoosta Soomaaliya ka tirsan, iyagoo howgalo ay ka fuliyey koofurta magaalada dhanka Galmudug  ay ku xireen dad rayid ah sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka, arintaas oo ay aad u dhaliileen maamulka degmada Galkacyo dhanka Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed ayaa maanta ka sheegay Magaalada Galkacyo in aan Ciidamada Milateriga Kumaandooska ee dhowaan gaaray magaalada Gaalkacyo aan wax wada tashi lagala soo sameyn, isagoo xusay in muhiim tahay in laamaha amniga maamulkiisa iskaashi lagala sameeyo marka lala dagaalamayo argagixisada sida uu yiri.

Arintan ayaa u muuqata mid sii xoojinaysa hadalkii ay ka horey uga dhawaajiyeen maamulka Galkacyo dhanka Galmudug oo ahaa in ciidamadaas aysan ka warheynin wax xariir ah aysan hdex marin, taas badalkeedana ay ku shaqeynayaan talooyinka Maamulka Puntland.

Comments are closed.