Gudoomiyaha Jalalaqsi oo ku dhaawacmay Weerar lagu qaaday Gaadiid uu la socday

Wararka Maanta

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dhaawaca Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidoow.

Dhaawaca Gudoomiyaha ayaa yimid kadib markii ay wadada u galeen kooxo hubeysan, sidoo kalena ay Rasaas ku fureen kolonyo Gaadiid ah oo uu la socday Gudoomiyaha, waxaana lagu dhaawacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Jalalaqsi.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidoow ayaa ka yimid Magaalada Jowhar, isagoo ku sii jeeday Magaalada Jalalaqsi.

Dhaawaca Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ayaa waxaa loo qaaday Isbitaal Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Jalalaqsi, si dhaawaciisa halkaasi loogu dabiibo.

Sidoo kale weerarka lagu qaaday Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ayaa waxaa ku dhintay Hal Askari, halka Saddex Askari oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Xigasho:Risaala FM