Gudiga doorashada Galmudug iyo kan Federaalka oo isku khilaafsan Sharciyadda Qaar kamid ah kuraastii lagu doortay Cadaado (Cadeyn)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shakabadda Ceelhuur Online (ceelhuur.com) ayaa heshay warqad gudiga doorashada Galmudug u diray gudiga doorashooyinka dadba ee Federaalka, warqad ayay ka muuqataa in labada guddi isku khilaafsan yihiin sharciyadda qaar ka mid ah kuraasta lagu doortay magaalada Cadaado.
Gudiga doorashada Galmudug ayaa difaacay in dhammaan kuraaastii lagu doortay Cadaado ay doorashadoodu u dhacday si sharci ah dhib farabadanna ay kasoo mareen doorashadooda.
Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in gudiga federaalku ku dhagan yahay in ka badan 20 kursi, oo 4 kamid ah Cadaado lagu doortay.
Doorashadii ka dhacday Magaalada Cadaado ayaa waxaa hareeyey musuqmaasuq iyo isdaba marin, waxaana jira in Madaxda Galmudug iyo Gudiga doorasha heer dowlad goboleed ay ku lug lahaayeem musuqa dhacay.
fb_img_1481621774568