Kooxo hubeysan ayaa Goordhow waxa ay agagaarka suuqa degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir ku dileen Nin Oday ah oo la sheegay in uu ahaa Ganacsade.
Dad ku sugan Suuqa degmada Xamarweyne ayaa waxaa ay sheegeen in Ninka Odayga ah lagu dilay Gaari uu ku iibinayay Dharka loo yaqaano Huudheyda oo ku taalla Agagaarka Afar-irdoodka Xamarweyne.
Dadkii ka dambeeyey dilka Ninka Odayga ah ayaa goobta ka baxsaday,waxaana weli la ogeyn waxa uu ahaa Ninkaas marka laga soo tago in uu ka Ganacsado dharka huudheyda iyo dadka ka dambeeyey dilkiisa.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska degmada Xamarweyne ayaa haatan gaaray goobta uu dilka ka dhacay,kuwaas oo baaritaano ka wada.