Labadii kulan ee ugu dambeeyey ee Golaha Shacabka waxa ay Dhageysi galiyeen Akhrinta 1-aad iyo 2-aad ee Miisaaniyadda sanadka soo socda oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya, Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ka dooday isla Miisaaniyadda.
Xildhibaanada ayaa maanta oo Arbaco ah guda galaya Akhrinta 3-aad ee Miisaaniyadda, waxaana xigayo isla maanta in ay Codka u qaadaan Miisaaniyadda 2018-ka oo ay ku aqbalaan ama ay ku diidaan.
Mudanayaasha ayaa gali raba fasaxoodii dhamaadka Kalfadhiga si ay dib ugu laabtaan deegaan doorashadoodii, waxyaabaha ay kala soo kulmaana dib ugu soo celiyaan Baarlamaanka Soomaaliya kolka uu u furmo Kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka.
Ansixinta Miisaaniyadda ayaa dib u dhigtay fasaxa Mudanayaasha Baarlamaanka ay gali lahaayeen iyagoona soo xiraya kalfadhiga 2-aad ee u furmay bishii July ee sanadkaani.
Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka soo socda ayaa ka badan Miisaaniyadii Dowladda loo qoondeyn jiray, waxa uuna Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Duceyle Beyle uu sheegay in Miisaaniyadda Badan lagu fuliyo Howlo ay kamid yihiin: Hormarinta waxbarashada, Soo iibinta Warshad Dharka u sameyso Ciidamada Dowladda si ay u baajiso lacagaha badan ee dowladda kaga baxa sidoo kalane Shaqo abuur ugu noqoto Soomaalida iyo kuwo kale