Sawirro: Qeybta Solar System-ka oo lagu Kordhiyey Isbitaalka Deyniile

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan {Eng Yariisow} iyo Safiirka dowladda Norway ee Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah xariga ugu jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Deyniile ee Gobolka Benaadir.

Qeybtan cusub ayaa ah qeybta Soolar System-ka oo muhiim u ah howlaha Isbitaalka iyo adeegyada loo qabanayo Shacabka.

Munaasabada xarig jarka waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Mudane Cabdullaahi Xaashi, Xubno ka socda Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Tamarta ee Xukuumada Soomaaliya, Maamulka Degmada Deyniile iyo Maamulka gacanta ku haya Isbitaalka Guud ee Deyniile iyo Masuuliyiin kale.