Barcelona ayaa shaaca ka qaaday in daafaca Gerard Pique inuu qandaraaska u kordhiyay Camp Nou si uu u sii joogo ilaa 2022ka.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa 422 jeer u saftay kooxda reer Catalan tan iyo markii uu ku soo laabtay 2008dii, wuxuu ku guuleystay lix horyaal oo La Liga ah iyo sadax Champions League.
Qeyb ka mid ah heshiiska cusub, kaasoo 30 jirkaan ku sii joogi doona Barca inta ka dhiman xilli ciyaareedka soo socda iyo afarta sanno ee soo socota, waxaa lagu soo rogi doonaa qandaraas 440 milyan ginni ah.
Pique ayaa kooxda ka tagay 2004tii ka dib 7 sanno oo uu ku soo qaatay akadeemigooda, isagoo u dhaqaaqay Manchester United isla markaana wuxuu 23 kulan u saftay kooxda Ingiriiska.
Wadar ahaan 25 koob oo ay ku guuleysteen daafaca dhexe ee Spain tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay kooxda 10 sano ka hor.