Khilaaf soo kala dhexgalay Wasiirka Maaliyadda iyo R.W Khayre

Wararka Maanta
Khilaaf xoogan ayaa la xaqiijiyay inuu soo kala dhexgalay Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Dr. Cabduraxmaan Ducaale Beyle kaasoo in muddo ah soo jiitamayay. Waxaa jiray warar sheegaya in  Beyle uu ashtako ugu tagay Madaxweyne Farmaajo, asagoo ka cabanaaya cadaadiska Reysalwasaaraha.
Wixii ka dambeeyay khilaafka Raysal wasaare Khaire iyo Beyle ayaa saraakiil ka tirsan madaxtooyada waxay bilaabeen inay raadiyaan shaqsigii lagu badali lahaa Wasiir Beyle, oo ka soo jeeda beesha Samaroon.
Saraakiisha ka tirsan madaxtooyada ayaa todobaadyadii ugu dambeysay waxa ay ku qancinayeen madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre in Beyle lagu badalo nin lagu magacaabo Prof. Xuseen Warsame oo degan Mareykanka, oo ah Bare Jaamaceed ka ah University of Calgary. waa nin ay isku beel yihiin Wasiir Beyle.
Qaar ka mid ah xubnaha Xildhibaanada ee beesha Samaroon, oo ay ka biyo diidaan damaca saraakiisha madaxtooyada ay ku doonayaan inay ku badalaan Wasiir Beyle, waxaana lagayaabaa in ay cabasho u gudbiyaan Madaxweynaha iyaga oo sheegaaya in haddii isbadal lagu sameynayo Wasiirka beesha Samaroon ay tahay in laga talo geliyo xubnaha Xildhibaanada iyo Senatarada matala Samaroon.
RW Kheyre ayaa horey xilalka wasiir muhiim u ahaa xukuumaddiisa, isagoo inta badan isku daya in shaqsiyaadka ka fikir duwan oo ka xayuubiyo xilka, sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ah nin aan inta badan go’aan cad ka qaadan talaabooyinka uu qaado Xasan Kheyre, waxaana la xasuustaa in Gudoomiyihii Xisbiga Tayo Maryam Qaasim oo ka mid aheyd dadkii aadka ugu dhawaa farmaajo ay xilkii wasiirnimo iska casishay markii ay faragalin kala kulantay Xasan Cali Kheyre.