Ganacsato Soomaali ah oo wada dhashay oo lagu dilay South Africa

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya Dalka Koofu-Africa ayaa Sheegaya Koox Burcad ah oo hubaysani Dileen Ganacsade Soomaaliyeed hal ay mid kala dhaawaceen.Labada Nin ayaa la sheegay in ay ahaayeen walaalo waxaan lagu kala Magacaabaa Cumar Salaad Xaashi iyo Liibaan Salaad Xaashi.

Ganacsade Cumar Salaad Xaashi ayaa u dhintay weerarka Kooxda Buracada ah Halka uu ku dhaamacmay Walaalkiis Liibaan Saalad Xaashi.Wiilashaan ayaana ku wada sugnaa Tukaan ay ku lahaayeen Deegaanka Vooslooris ee Nawaaxiga Magaaalada Johannesburg waxayna xilliga lasoo weeraray ku Mashquul sanaayeen Howshooda Ganasiga. Maydka iyo Dhaawaca Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa goobta ka qaaday Sooomaali kale mana jirto Cid Ciidanku u qabteen Weerarkaan

Weerarkaan waxuu qayb ka yahay dhibaatada ay kooxaha Burcadaahi ee Dalka south Africa ku hayaan Soomaalida Amniga iyo Ganasiga u raadiyay Dalkaas waana kuwo soo laalaabatay oo aysan Dowladdu waxba ka qaban. Somaalida ku nool Wadanka oo dhowr mar kulama ku aadan Tacadiga loo gays to la qaatay Madaxda Dalkaas ayaan wili helin Jawaab Celin ay ku qancaan oo ku aadan waxyaabahan daacada noqday oo lagu tilmaami karo kac doon ka dhan ah Soomaalida.

Ceelhuuronline