Doorasho Maanta ka dhacaysa Gaalkacy

Wararka Maanta

Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyey ee doorashada Duqa degmadaas oo ay dooran doonaan Xubnaha Golaha deegaanka.

Shalay oo Axad aheyd ayaa waxaa lagu dhawaaqay Xildhibaanada Golaha deegaanka Gaalkacyo oo ka kooban 31 xubnood, waxaana ku jira xubno cusub oo aan ka mid aheyn Xildhibaanadii hore ee Golaha degaanka Gaalkacyo.

Maanta oo Isniin ah ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Golaha deegaanka iyo duqa degmada Gaalkacyo ee dhinaca dowlad Goboleedka Puntland.

Musharixin farabadan ayaa u taagan qabashada xilalkaas,kuwaas oo ku tartami doona,hayeeshee ka hor doorashada ayaa waxaa ay jeedin doonan khudbadahooda ku aadan musharaxnimadooda.

Weli si cad looma soo bandhigin Magacyada musharixiinta,hayeeshee saacadaha soo socda Maanta oo Isniin ah ayaa la filayaa in la shaaciyo liiska musharixinta ku tartamaya doorashada guddoomiyaha iyo duqa degmada Gaalkacyo.

Madaxwayne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horay amar waxa uu ugu bixiyay in la dhiso Golaha deegaanka Gaalkacyo ugu dambeyna shalay oo Axad aheyd lagu dhawaaqay.