Daawo: Cabdi Maxamuud Cumar oo Xabsiga loo taxaabay

Wararka Maanta

Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ee xarrunta dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xabsiga loo tabaaxay maanta madaxweynihii ee Gobolka Ismaamulka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar iyo rag kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Ciidamada amniga ee Itoobiya ayaa ka kaxeeyay Cabdi Maxamuud Cumar hoygii uu ka deganaa Addis Ababa, kadibna u wadey xabsi. sida uu xaqiijiyey Telefiishanka Itoobiya. sidoo kale Telefishinka ayaa baahiyey hub lagu qabtay guriga Cabdi Maxamuud.

Maalintii shalay ayaa Baarlamaanka Maamulka Soomaalida uu xasaanaddii ka qaaday Cabdi Maxamuud Cumar iyo lix qof oo kale oo ka tirsanaa maamulkiisa. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa loo heystaa tacdiyo iyo dhibaatooyin uu geystay intii uu xilka hayey.

Halkaan ka daawo Videoga Xarigga Cabdi Maxamuud Cumar