Gaari miino kula qaraxday duleedka Balcad

Wararka Maanta

Darawalkii gaari kuwa xamuulka qaada ah ayaa ku dhintey kaaliyihiisana wuu ku dhaawacmay kadib markii saaka ay miino kula qaraxday gaari ay wateen duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.
Gaarigan oo saaka ka tegey degmada Balcad ayaa marayay halka loo yaqaan Haan Shiiq oo dhinaca Waqooyi qiyaastii 7km ka xigta degmada Balcad xilligii ay miinadu la qaraxday.
Meydka darawalkii gaariga oo la oran jirey Bishaar oo ahaa nin dhalinyaro ah oo degen degmada Balcad iyo kaaliyihiisii ayaa la geeyay degmada Balcad.

Halka ay miinadu kula qaraxday gaarigan oo ahaa nooca Daynada loo yaqaan ayaa waxaa hore ay miino ugula qaraxday gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM iyo kuwa Milatariga Soomaaliya hase yeeshee waa markii ugu horeysay oo gaari dad rayid ah ay wateen ay miino kula qaraxday.

Gaadiidleyda isticmaasha wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho ayaa saaka cabsi xoog leh soo wajaday waxayna rakaabka gaadiidka Plka ay muujinayaan cabsi la xiiirta marista wadada laamiga ah gaar ahaan halka loo yaqaan Haan Sheekh oo wadadu ay ka burbursan tahay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad iyo kan gobolka Sh/dhexe ee la xiriira gaariga ay miinadu la qaraxday.