Ku socoto dhammaan shaqo bixiyeyaasha iyo dadka ka shaqeeya qeybaha shaqada iyo shaqaalaha
Fadlan joojiya in aad dadka ugu yeertaan wareysi shaqo adinkoo Og qofkii aad jagada bannaan ku buuxin laheydeen.
Runtii waa arrin dareen ahaan dhaawac leh, dadkan shaqa doonka ah wax ay kharash kusoo bixiyaan si ay u yimaadaan wareysigaa iyaga oo rajeynaya in ay noloshooda wax iska badali doonto.
Markaa Fadlan joojiya in aad (formality) uun ku sameysaan dareenkooda, waqtigooda iyo xittaa lacagta ay baska ku soo raacayaan taas oo inta badan ay soo deynsadaan…..🙁
Fadlan jooji in aad sameyso ballan qaadka ku saabsan in aad todobaad kadib soo wici doonto adiga oo og inaadan wici doonin maxaa yeelay welwel badan iyo habeen dhafar badan ayuu arrinkaasi ku sababi doonaa wax ayna marwalba hubinayaan taleefankooda iyaga oo sugaya wicitaankii aad ka ballan qaaday….
wax aan ku baaqayaa in si bini Aadanimo leh loola dhaqmo dadka shaqadoonka ah……
Shaqadoonka badidood gaar ahaan kuwa dhowaan soo qalin jebiyay wax ay u baahan yihiin fursado shaqo oo dhab ah, marka fursadahaasi qaraabadiinna siista balse dadka ha u soo wicina waqti lumin iyo inaad welwel badan gelisaan.
Farriintan waxaa bogeeda ku soo qortay gabadh Kenyan ah oo aan barta LinkedIn-ka saaxiibo ku nahay aniguna waxaan jecleystay inaan idinla wadaago.
W/Q: Maxamed Duugow