Wasiirka Warfaafinta Dowlad goboleedka Galmudug Cabdiraxmaan Heeloos oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Aqalka Sare ee ahaa in aqalka sare ku guuleystay dhameynta khilaafka Dowladda Dhexe iyo Dowlad goboleedyada.
Wasiir Heeloos ayaa sheegay in wax khilaaf ah uusan u dhaxeyn Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedka Galmudug, sidoo kale wuxuu ka digay in Xaaf Ducaale oo ah Madaxweynihii hore Galmudug wax laga weydiiyo arimaha Galmudug, ciiddii doonaysa in ay Galmudug la xaajootana ay la hadalaan Madaxda sharciga ah ee Galmudug.
Halkaan ka daawo shirka jaraa’id