Alshabaab oo Baardheere ku dilay Masuuliyiin Dowladeed.

Wararka Maanta

Al-Shabaab oo dil iyo gowrac mas’uuliyiin ugu geystay Baarddheere

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab dilal qorsheysan ay ka geysteen gudaha degmada Baardheere ee gobolkaasi.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha u galeen qeybo ka mid ah magaalada Baardheere, iyagoona guryahooda kala soo baxay illaa saddex guuddoomiye Laameed oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta maamulka degmadaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in raga hubeysan ee ka tirsanaa Al-Shabaab ay markii dambe ay toogasho ku dileen labo ka mid ah gudoomiyeyaasha, halka midka sadexaadna ay gowraceen, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka oo lagu kalsoon yahay.

Magacyada mas’uuliyiinta la dilay ayaa lagu kala sheegay, Cabdi Santuur oo ahaa guddoomiyaha laanta Buulo-Kuulow, Jibriil Maxamed oo isna ahaa guddoomiyihii hore ee laantaasi iyo Carab Jiis oo ahaa guddoomiyaha laanta Dabaqoray ee degmada Baardheere.
Illaa iyo hadda ma jirto faah faahin dheeri ah oo maamulka gobolka Gedo iyo sidoo kale kan degmada Baardheere ay ka bixiyeen toogashadaasi, iyadoona dagaalyahannadii Xarakada Al-Shabaab ee fuliyey dilka ay goobta isaga baxsadeen, falka kadib.

Dhacdadaan ayaa waxaa saaka sidoo kale si aad ah u hadal haya dadka deegaanka oo cabsi amni ay soo wajahday.
Gobolk Gedo oo dhaca koonfurta Soomaaliya ayaa ka mid ah gobollada ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab oo weeraro gaadma ah ku qaada saldhigyada ciidamada iyo kuwa Jubbaland ee gobolkaasi