Faah faahino:kasoo baxaya dagaalkii kadhacay godinlabe dhimashada iyo dhaawaca labada dhinac oo kordhaya

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Faah faahino dheraada ayaa kasoo baxaya dagaalkii maanta kadhacay magaalada godinlabe ee gobolka galgaduud

dagaalkani saakay barqadii kabilowday godinlabe ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala gadisan.

dagaalka ayaa udhexeeya cidaamada NISA ee kahowlgala deegaanada Galmudug Ciidamada xooga dalka qeybta 21AAD iyo kuwa galmudug oo isku garaba waxaana kasoo horjeeda ciidamo maleeshiyaada iyo ciidamada ahlusuna oo isgarabsanaya.

qasaaraha dagaalkani ayaa labada dhinacba soo kala gaaraya waxaana kudhintay saraakiil labada dhinacba ah

dhanka ahlusuna waxaa kudhintay taliyihii daraawiishta ahlusuna iyo taliye kuxegeenkii nabad sugida iyo askar fara badan

dhinaca galmudug wararku waxaa ay sheegayaan in ay geeriyoodeen saraakiil katirsan nabad sugida

dhimashada dhanka ahlusuna ayaa lasheegayaa in ay kabadantahay 8 qof oo sida lasheegay kugeeriyooday dagaalkii dhacay kolkii hore ee saaka dhaawaca ayaa kabadan 10 neeyo qof.

dhanka galmudug dhimashada ayaa lasheegaya in ay gaarsiisantahay kudhawaad 5 qof dhaawaca ayaa kudhow 8 ruux

qasaaraha labada dhinac waxaa loo daad gureynayaa isbitaalada (cadaado iyo dhuuso mareeb)

madaxweynaha galmudug c/kariin xuseen guleed oo maanta galinkii danbe booqday goobta dagaalka ayaa caawa dib ugu soo laabtay magaalada cadaado.

 

 

Comments are closed.