Faah-faahino kasoo baxaya dagaal xalay ka dhacay Jowhar

Wararka Maanta

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay rag hubeysan soo weerareen bar koontarool oo ku taal gudaha magaalada Jowhar.

iskahorimaad kooban oo ka dhacay halkaas ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay mid ka mid ah ciidamada booliska magaalada Jowhar.

Rasaas xoog leh ayaa la sheegay in la isu adeegsaday dagaalkan waxaana wararku ay sheegayaan

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka Sh/dhexe oo la xiriira dagaalka xalay ka dhacay magaalada Jowhar.

Hase yeeshee Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa bartiisa facebook ku sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabab ay so weerareen Koontorool laga soo galo magaalada Jowhar,hayeeshee Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay iska difaaceen.

“Al-Shabaab ayaa isku dayay iney amaanka qal qal geliyaan waxeyna Rasaas kusoo Tuur Tuureen Bar Fariisan u ah ciidanka amaanka Hirshabelle oo banaanka Magaalada ah , taasoo laga Kontoroolo dhaqdhaqaqa dadka soo galo magaalada iyo dadka kabaxa, kooxahii soo Rabshadeyayna Fariisimahena ciidanka Amniga ayaa ku daba jiro sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.” ayuu ku daabacay bartiisa Wasiirka Amniga Hirshabelle Maxamed Kheyre.

Si kasta ha ahaayee weerarka xalay lagu soo qaaday magaalada Jowhar ayaa ku soo beegmay xilli uu shalay dib ugu laabtay magaalada Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen.

Balse waxaan xaadir ku ahayn magaalada Jowhar muddo ka badan bil Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha Baarlamaanka CIsmaan Barre Maxamed.