C/Wali Gaas oo la kulmay Michael Keating

Wararka Maanta

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxa Kulan kula yeeshay Garoonka Calamiga ah ee Aadan Cade ee magaalada Muqdisho, Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating.

Gaas iyo Danjire Michael Keating ayaa kulankooda waxyaabihii ay uga wada hadleen waxaa kamid ahaa shirka Amniga qaranka ee ka soconaya magalada Muqdisho, iyo sidii looga qayb qadan laha adkeynta amniga Soomaaliya iyo in la helo ciidan qaran oo la wareega dhammaan amniga soomaaliya.

Dhinca kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in Puntland ay marwalba u taagantahay sidii loo heli lahaa dawladnimo Soomaaliyeed oo buxda oo ku dhisan caddaalad isla markaana haysata kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo Danjire Michael Keating ayaa sidoo kale kulankooda ku xusay doorashooyinka Puntland iyo sidiiay waqtigooda ugu qabsoomi lahaayeen iyo sidii Puntland loogu jiheen lahaa hanaanka doorasho ee hal qof iyo hal cod, kaasi oo ah waddada kaliya ee loo mari karo in la helo xasilooni iyo daganashio siyaasadeed oo dhabaha u xaadhi karta hormar.

Danjire Michael Keating ayaa Puntland ku amaanay doorka iyo kaalinta siyaasadeed ay ka qadatay Nabada, iyo xasilinta, isdhexgalka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabdeed oo soo af jara colaadaha soo noq noqday ee ka jiray qayba ka maida gobolka Mudug, sidoo kalana Danjire Michael Keating ayaa sheegay inay muhiim tahay in la tix galiyo lana ix tiraamo wada nolanshaha iyo isdhex galka bulshada.

Ugu dambeyn Madaxweyne Gaas ayaa calamka uga mahad celiayay dawrka muhiimka ah oo ay ka qaadato arimaha Soomaaliya kulana dar daarmay inay sii xoojiyaan wadada loo marayo sidii soomaaliya cagaheeda isgu taagi lahayd uguna yeelan lahay dawr muuqda beesha caalamka.